Saxafi xarig ku muteystay markii uu baraha bulshada ku weeraray Madaxweynaha

Jimce, 19 Luuliyo [Yoobsannews Online]  Joseph Kabuleta  oo ah saxafi u dhashay dalka Uganda ayaa  la sii daayey markii dhowr cisho u xirnaa,  isaga oo loo haystay eedeymo la xiriirta inuu baraha bulshada  ku weeraray madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni.

Matsiko Godwin Muhwezi oo ah garyaqaan ayaa xabsi 2 cisho ah ku muteystay markii uu baraha bulshada ku baahiyey sawirka  gaarigii ay wateen askartii soo xirtay saxafiga Joseph Kabuleta, halka  Pidson Kareire oo tifaftire ka ah majalada [The Drone Media]  isna loo xiray qoraal uu soo daabacay.

Dalka Uganda waxaa jira sharci dambi ka dhigaya dhaliilaha  madaxda sarsare loo marinayo  baraha bulshada, waxaana qofka dambigaasi lagu caddeeyo uu mudanayaa ganaax lacageed $130 iyo sannad xariga ah.

Hay’adaha xuquuqda caalamiga ah caalamka ayaa mar walba ku dhaleeceeya Xukuumada Kampala in ay ku xadgudubto  xorriyadda qofku u leeyahay inuu cabiro fikirkiisa.

Share Button