Sheekh soomow “ Umul kumanaan qofood ayaa qabriga u galay hadalo uu jeediyay, xamarna kuma dhigi karo

maxresdefault

 

 

Xili lagu wado in maalinta bari ah oo Jimco ah inuu garoonka Eng. Yariisow ee Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Umul, muxaadaro ayaa waxaa arintaas gaashaanka u daruuray culumada Dariiqada Suufida ee  Muqdisho awooda ku leh.

Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo ka mid ah Wadaadada Dariiqada Suufida ayaa gaashaanka u daruuray hadalkaas, waxa uuna umul ku tilmaamay in uu yahay shabaab.

Sheekh Soomow ayaa muuqaal uu soo duubay ayaa waxaa uu ku eedeeyay Sheekh Umul in fikirka uu aaminsan yahay ay u dhinteen dad badan oo reer Muqdisho ah, isla markaana horay Culimada Suufida u gaaleysiiyay.

“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ka ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale arinmtaan ayaa imaanaysa xili magaalada muqdisho ay aad u kala xiran tahay, taasi oo aysan suurto gal ahayn in bari halkaas la iskugu yimaado.

 

Share Button