Shirkadii sameysay barnaamijka [FaceApp] oo iska bari-yeeshay eedeyn ku saabsan in ay u dhacaan xogta gaarka ah

sawir 

18 Luuliyo, Khamiis [Yoobsannews Online]  Dhowrkii cisho ee u dambeeyey waxaa harqiyey baraha bulshada barnaamijka [FaceApp] oo ah; Barnaamij dadku muuqaalka wejigooda u ekeysiinaya qof yar iyo qof da’ ah intaba.

Barnaamijkan, oo sida la yeeshay ay sameysay shirkada Ruush ah ayaa lagu soo baraarugay markii  qaar ka mid ah wargeys-yada caalamku ay daabaceen   in shirkadda sameysay barnaamijkan kaga gol-leedahay in  ay si fudud ku hesho xogta qof kasta ee isticmaalay barnaamijkaas, waxaanna arrintaasi ay walaac badan gelisay boqolaal kun oo maalmihii u dambeeyey si weyn u isticmaalayey barnaamijka [FaceApp].

Mr. Goncharov oo ka tirsan mas’uuliyiinta shirkada [FaceApp] ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku beeniyey  eedeymaha loo jeediyey shirkadooda oo ku saabsan in ay u dhacayaan siraha gaarka u ah dadka isticmaalaya barnaamijkan cusub, wuxuuna tilmaamay in ay sawirada ay dadku isticmaalayaan muddo 48 saacadood gudahood ah  tirmayaan,  isaga oo wax aan dhici karin ku tilmaamay in ay ku xadgudbaan  shuruucda shirkaduhu ku dhaqmaan ee ku saabsan  xurmeynta waxa uu qofku leeyahay.

Chuck Schumer oo ka tirsan aqalka odayaasha Mareykanka, ayaa ka mid ah dadka walaac ka muujiyey barnaamijkan, isaga oo codsaday in baaritaan lagu sameeyo  arrinta ku saabsan dadka isticmaalay barnaamijkan in ay halis ku jirto xogta ay gaarka u leeyihiin.

Share Button