Soomaali abaabuleysa bannaanbaxyo ka dhan ah Sacuudiga & Imaaraadka

Dad Soomaali ah oo ku nool dalal ka tirsan Yurub & Canada ayaa abaabul ugu jira in ay ku hor bannaanbaxaan safaaradaha dalalka Sacuudiga & Imaaraadka, kaddib markii ay soo shaac baxday doorka dalalkaasi ay ka qaadanayaan in jirida loo siibo Dowladnimada Soomaaliya & sidii ay Soomaaliya mar kale u soo ceshan laheyd qiyamkeedii, sidaa waxaa yiri C/qafaar Cabdullaahi oo ah aqoonyahan ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida Toronto, ee dalka Canada.

C/qafaar Cabddullaahi qoraal uu soo dhigay boggiisa wuxuu sheegay in dalalka Sacuudiga & Imaaraadka ay qarsan la’ yihiin wax uu ku tilmaamay cadowtooyada ay u qabaan Soomaaliya, ayna wax walba ku bixinayaan kala qeybinta dalka.

“Waxaa soconaya abaabulka bannaabax lagaga soo horjeedo dalalkaas, oo ay wadaan Jaaliyadaha Soomaalida dalal Yurub ka tirsan & Canada” Ayuu yiri, wuxuuna intaasi ku daray in dalalka UK, Sweden, Denmark, Norway & Canada ay ka soconayaan dhaqdhaqaaqa abaabulka.

“Waxaan fahmi la’yahay sababta madaxdeenu uga hadli la’yihiin shirqoolada dalalkaasi ay wadaan, ilaa heer ay gaareen in diblumaasiyiin Sacuudiga u dhashay ay meel fagaare ah ka sheegaan in Somalia ay aheyd dal ay horay u lahaayeen Oromada. Waxaan u sheegnaa dalalkaasi in ay ku fashilmi doonaan jabka ay la doonayaan Soomaaliya, guuldarraduna ay iyaga dhankoodu ku dambeyn doonto” Ayuu yiri C/qadaaf.

Share Button