Soomaalida Holland oo u dabaaldegay 1da Luulyo 2017

IMG_6051Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaaldageyey maalinta xornimada Somaliya ee 1da Luulyo ayaa 2-dii bishan July 2017 lagu qabtay magaalada Den haag ee dalka Netherlands.

Xaflad oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ka mida jaaliyadda Soomaalida Holland, ayaa waxaa soo qaban qaabiyey dalada ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida Netherlands ee FSAN, iyadoo abaabulkeeda ay lahaayeen qaar ka mida masuuliyiinta ururada ku jira dalada.

Munaasibada xafladan waxaa heeso wadani ah ka qaaday fanaaniin caana, sida Bashiir Ali Hussein, Abdi Baadil, Deeqo Nuur Gariish iyo fanaaniin kale oo reer Holland ah.

Ali Ware, gudoomiyaha FSAN oo hadal kooban ka jeediyey madasha ayaa si kooban uga sheekeeyey ragii u soo halgamay madaxbanaanida Somalia iyo sida loogu baahan yahay in maalintan oo kale si weyn loo xasuusto.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Shukri Hassan, madaxa ururka IFTIN iyo Salaado Macalin, gudoomiyaha ururka IFTIIN, kuwaasoo labaduba ka hadlay doorka ay haweenku ku lahaayeen gobinimo-doonkii Soomaaliya, iyagoo u haray naf iyo maalba sidii dalku uga hoos bixi lahaa gumeystahii reer galbeedka.
Eng. Hmed Mohamud Handule oo ka mida ahaa wasiiradii soo maray dowladii dhexe iyo ka dambeeyey ee Somalia, ahna oday Soomaaliyeed oo mar walba ka qeyb qaata arrimaha Soomaalida holland oo isna munaasibada ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada maalintan oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed, isagoo dadka ku baraarujeyey inay u duceeyaan ragii u dhintay xornimada dalka.

Waxa kale oo Eng. handule, uu ka hadlay muhiimada ay leeyihiin maalamaha muhiimka ee isku xig xiga (26 June iyo 1da July), loona gudbiyo jiilka soo koraaya.

Bashiir Ali Hussien oo ka mida fanaaniinta caanka ee Somalia oo mudda ku noolaa Yurub, ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay inuu Soomaalida Holland kula dabaaldego farxada maalinta madaxbananida Soomaaliya, isagoo halkaasi ku soo bandhigay heeso wadani ah, sida heesta caanka ee Soomaali waa mid.
Waxaa kaloo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo, geeraaro iyo guurow oo laga xusi karo gabaygii Oday Cabdulle Indhabuur oo ka yimid magaalada Brede iyo wiil dhalinyaro ah oo halkaasi ka jeediyey tix gabay ah oo aad u soo jiidatay dhagaha dadkii goobtaasi joogay.

Share Button