Tacsi: Marxuum Abwaan Maxamed Cumar Nuur (Nidaamiye)

Waxaan halkaan uga tacsiyeenaynaa marxuum Abwaan Maxamed Cumar Nuur Deyr oo loo yaqaan (Nidaamiye) oo ku  geeriyoodey magaalada Muqdisho,  6da bisha maajo ee sanadkan 2015.

 

Abwaanka ayaa  si weyn looga yaqaannay Geeska Afrika gaar ahaan gayiga soomaalida.  Marxuum Nidaamiye AUN waxaa uu ahaa maskaxdii curisay heesta (Hanaaanka iyo quruxda), taas oo aheyd heestii u horreeysey ee uu qaaday hobalka Xassan Aadan Samatar, waxuu kaloo sameeyey heestii (Isha Baydhabo) oo uu qaaday isla fannaanka Xassan Aadan Samatar iyo suugaan kale oo badan.

 

Guddiga hay’adda HIMILO iyo deeqbixiyaasheedaba waxay tacsi u dirayaan ehalada, asxaabta iyo umadda Soomaliyeed ee uu ka geeriyoodey Abwaan Maxamed Cumar. Waxaan leennahay samar iyo iimaan allaha naga wada siiyo,  janaddii fardowsana allaha ka warraabiyo.

Aamiin…Aamiin..Aamiin..Aamiin..Aamiin.

Share Button