Dhageyso: Taliyihii Hore ee Nabad Sugida oo laga qabtay Cod sir ah oo ugu Hanjabayo Mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho

Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur_Yare ayaa si aan ka leexad lahayn ugu hanjabay Idaacadda Shabelle oo ah Idaacadda ugu  Afka dheer Warbaahinta ka howlgala Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Idaacadda Shabelle ayaa baahisay Warbixin ku saaban in 26-October 2016 Guri ay ka degeneed Nawaaxiga Air-Portka Adan Cade oo Ciidamada dowladda ay si xoog ah uga soo saareen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u dajiyay Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare oo ay sheegtay Idaacaddu in qaraabo dhow ay yihiin Madaxweynaha Soomaaliya.

14805577_10206124667510311_2145059222_n

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhageyso Warbixintaas oo uu soo jeedinayo Wariye Mohamed Ahmed Jimale oo ka mid ah Wariyayaasha ugu caansan Magaalada Muqdisho kana tirsan Idaacadda Shabelle ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Hadaba baahinta warbixintaas kadib ayaa Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare waxa uu la xiriiray Malkiilaha Shabelle oo uu ugu hanjabayo in Maamulka iyo Shaqaalaha Shabelle uu Tallaabo ka qaadayo.

Waxaana Malkiilaha Shabelle u suura gashay in uu Cod Hanjabaad ah ka duubo Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare oo Hanjabadaasi ka dhanka ah Bahd Shabelle Jeedinaya.

Shabakadda Yoobsan News oo heshay Hanjabaadaasi ayaa idiin soo gudbineysa iyadoo maqal ah wixii dhexmaray Malkiilaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud iyo Taliyihii hore ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare.

tuuryare

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhageysi wacan:-

Shabelle jirta muddo ku dhawaad 15 Sano ah ayaa ah Idaacadda dhibaatada ugu badan ay ka soo gaareen beegsiga Saxafiyinta waxaana mudada ay jirtay Muqdisho iyo Gobollada dalka looga dilay 13 Wariye oo Wariyihii u dambeeyay oo ahaa Cabdicasiis Maxamed Cali Xaaji degmada Yaaqshid kooxo Hubeysan ay ku dileen.

Dhammaan dilalka Wariyayaashaas ma jirto cid loo soo qabtay oo Cadaaladda la horgeeyay, waxaana hadda sida aad wada dhageysateen la kulmeysaa weli Hanjabaad toos ah oo uga timid Sarkaal soo noqday Taliyihii Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-Yare.

Share Button