Tiradii ugu badneyd oo Nairobi isugu soo baxday xuska 26-ka June & Danjire Tarzan oo khudbad jeediyey [SAWIRRO]

Khamiis, 27 June, [Yoobsannews Online] Munaasabad loogu dabaaldagayey xuska 26-ka June 1960-kii oo ku beegan markii ugu horreeysay ee calan laga suray dhul Soomaaliyeed, ayaa lagu qabtay xaafadda Eastligt [Islii] ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya
Munaasabadan, oo ay soo qabanqaabisay safaaradda Soomaalida dalka Kenya, waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan, marti sharaf, siyaasiyiin & aqoonyahanno, waxaanna xubnihii goob jooga ka ahaa ka mid ahaa; safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Nuur [Tarzan], Qunsulka 1-aad ahna safiir ku-xigeenka Aweys Amiin Shiikh & Xog-hayaha safaarada Xabiib.
Danjire Tarzan oo khudbad dheer ka jeediyey munaasabada, wuxuu sheegay in halgan dheer loo soo galay sidii dalkeenu xor u noqon lahaa, isaga oo ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ilaaliyaan midnimadooda.
“Madaxda Qaranka waxaa ka go’an in ay soo celiyeen sharaftii, karaamadii iyo wadajirkii ay ummaddani weligood ku soo caana-maalayeen” Ayuu yiri Danjire Tarzan.
Munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay dadkii ka hadlay waxaa ka mi dahaa  Prof. Ibraahim Bursaliid & Hodon Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed.
thumbnail_IMG_0985 thumbnail_IMG_0986 thumbnail_IMG_0998 thumbnail_IMG_1021 thumbnail_IMG_1053 thumbnail_IMG_1119 thumbnail_IMG_1124
Share Button