VIDEO NEWS: Guddoomiyaha Tasho Community “Haddaad gabar wax bartid waxeey la mid tahay adigoo mushtamac wax bartay”

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa lagu soo dhoweeyey wefdi ay horkaceyso Guddoomiyaha ururka Tasho Community ee fadhigiisu yahay Minnesota Canab Cabsiiye.

Xaflad aad u qiimo badneyd oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka Gobolka, ayna ka soo qeybgaleen xubno ka socday qeybaha bulshada, ayaa lagu daah-furay soo dhoweynta Canab, waxaanna goobtaasi ka hadlay xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka & kuwa dowlad goboleedyada, kuwaas oo bogaadiyey howlaha samafalka ah ee Canab hormuudka u tahay.

Waxeey ka hadashay xaaladdaha adage ee ay ku sugan yihiin haween-weynaha Soomaaliyeed iyo dib u dhaca soo gaaray jiilalkii u dambeeyey oo aysan fursadu u saamixin helitaanka waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha oo ay waxbarashadu ugu horreeyso.

“Haweenku waa laf-dhabarta bulshada; dayow-ga Soomaali ku dhacay waxaa qeyb ka ah in dayaca & dhibaatada ku raagtay hooyooyin fara badan & caruurtooda; bulshadu haddii aysan helin waxbarasho lama saanqaadi karto asaageed, waxeeyna u nugushahay wax walba oo qiyamkeeda hoos u dhigaya” Ayeey tiri Canab Cabsiiye, waxeyna ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay waxqabadkeeda ku darsato sidii loo gacan siin lahaa haweenka, loona abuuro fursado waxbarasho oo billaash ah.

Share Button