VIDEO NEWS: Koox cunsuriyiin ah oo weeeraray masjid ku yaala magaalada Eindhoven ee dalka Nederlands

28 May, 2019 (Yoobsannews Online)  Koox cunsuriyiin ah oo ay madax martay muslim nacayb  ayaa Axadii ku hor-banaanbaxay masjidka Al-furqaan ee ku yaala magaalada Eindhoven ee waddanka Nederlands.

Bannaanbaxa ayaa rabshado isu beddelay, markii qaar ka mid ah dadka muslimiinta ee  magaalada Eindhoven oo ka careysan ujeedka bannaabaxa ay bannaabax kale kala hortageen kooxda cunsuriyiinta ah.

Kooxdan oo lagu magacaabo PEGIDA kana dhisan dalal fara badan oo yurub ah ayaa yoolkoodu yahay naceybta muslimiinta, waxaanna welwel fara badan ay ka muujinayaan sida islaamku ugu fidayo qaarada yurub.

Fikirka kooxdan waxaa si weyn  kaga soo horjeeda dadka aaminsan isdhexgalka & xorriyadda diimaha.

 

download (1) download

 

 

 

Share Button