Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarixii baabuurkiisa loo dhigay Agaasime C/risaaq Bahlaawi

Muqdisho: Khamiis, 6 Luuliyo, Yoobsannews: Agaasimihii Wasaarada Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi oo gaarigiisa qarax lagula eegtay dorraad Magaalada Muqdisho, uuna dhaawac fudud ka soo gaaray qaraxaas ayaa waxaa soo baxaya shaki la xiriira ciddii ka dambeysa qaraxa loo dhigay.

Mid ka mid ah  suxufiyiinta ka howlgala Radio Muqdisho ayaa sheegay  in qorshaha weerarka Agaasimaha aaney Alshabaab ka dambeyn balse uu ahaa mu’aamarad meelo kale laga soo maleegay, oo la doonayey in lagu aamusiyo.

“Shirqoolada qorsheysan ee Soomaaliya ka dhaca waa kuwa wejiyo badan leh, kooxaha dilalka ka geysta Muqdisho ma ahan Alshabaab oo keliya; Mararka qaar waxaa dhici karta in dilal ay ka dambeeyaan gacmo kale dusha loo saaro ama ay sheegtaan Alshabaab, marar badan ayeey dhacday sababta ma ogi” Ayuu yiri suxufigaas oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso sababo ammaankiisa la xiriira, wuxuu ugu baaqay Xildhibaanada BF Soomaaliya ku metelaya Agaasime Bahlaawi in ay u midoobaan sidii wax lagaga qaban lahaa gardarrada lagu maagay muwaadinkaas.

“Inta sharcigu yahay wax qof jeebka ugu jira, oo ciddii uu doono ku dhibaateeyo Soomaaliya xalkeeda ma dhowa. C/risaaq Bahlaawi isaga oo aan wax dambi ah geysan ayaa shaqa joojin lagu sameeyey, sharcigu wuxuu qabaa in eedeyntiisa maxkamad loo gudbiyo, loona yeero cidda soo eedeysay, lana siiyo fursad uu kaga jawaabo eedeymaha loo jeediyey. Sifo sharci ah looma marin shaqo ka joojintiisa markii wax dambi ah lagu waayey, eedeyntii Wasiir C/raxmaan Yariisow nuxurkeedu wuxuu noqday inta uu meesha Bahlaawi joogo waxba ma dhici karno, si aan uga taqalusno waa in eedo been abuur ah loo sameeyo, been abuurkii markii uu socon waayey xaaladu waxeey isu bedeshay in la aamusiyo, taasina qadartii ALLE ayeey meel mar ku noqon weysay” Ayuu yiri suxufigaas, wuxuuna is-weydiiyey sida dalku ku xasili karo haddii Dowladnimadii ay noqotay in mas’uul walba oo xil loo magacaabo uu dantiisa gaarka ah ka hormarinayo tii guud.

Suxufigan waxaa kale ugu baaqay Madaxweynaha & Hay’adaha dastuuriga ah sida Xukuumadda, Baarlamaanka & Garsoorka inay xilweyn iska saaraan in dalkani uu helo cadaalad.

“Isku dayga uu Bahlaawi ka badbaaday waxeeya aheyd in mar dambe sheekadiisa aan la maqal oo la yiraa Shabaab ayaa qaarajiyey, waxaanna jidkaas ku maqan kumanaan qofood oo Alshabaab aysan dilin, oo ku baxay dhagarta gacmo kale oo dahsoon ay meleegeen” Ayuu yiri.

 

Share Button