Warar dherad ah oo ka soo baxaya dagaal ka socda ex control afgooye iyo asluubta..

download

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal  u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo saacad ka hor bilaawday.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka socdo isgoyska Ex Control Afgooye gaar aahan meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Rasaas culus ayaa ka socoto agagaarka taliska Ciidanka Asluubta, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in Ciidamo ka wada tirsan dowladda ay dagaallamayaan.

Ciidamada dagaalamayo ayaa sheegay inay kala yihiin kuwa ka tirsan Ciidamada Asluubta iyo ciidamada ilaalada ah ee Jidka uu dhismaha ka socdo ee Ex Control Afgooye.

Kala soco bogan wixii ku soo kordha dagaalkaas

 

 

Share Button