Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga oo ka soo hor jesatay Muxaadarada, Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow..

khadijo-640x430

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khilaaf hareeyay  Muxaadarada uu Sheekh Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow maalinta bari ah.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay in aan lagu soo wargelin Muxaadarada uu Sheekh Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow, isla markaana aanay ku soo wargelin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, taasi oo ay ku tilmaameen wax xun.

wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa arintaas aad u dhaliishay waxayna ku tilmaantay arin aad u qaldan.

“Cidii dooneysa inay howlo muhiim ah garoonka ku qabsato baraha bulshada ka hor waxaa habboon in nidaamka wada shaqeynta ay inooga baahan yihiin waa inay dariiqeeda soo maraan, si loogu fududeeyo”Sidaa waxaa tiri Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga khadiijo maxamed diiriye.

Sidoo kale wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa gaashaanka u daruurtay in lagu qabanayo bari garoonkaas muxaadaradaas.

 

Share Button