Wasiirro & safiirro la filayo in maalmaha soo socda la magacaabo

MUQDISHO: Warar ku dhow dhow xafiiska R/wasare Xassan Cali Kheyre ayaa tibaaxaya in maalmaha soo socda lagu wado isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Xukuumadda, iyada oo tillaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto xubno xilal sarsare ka haya Xukuumadda.

Warar hordhac ah oo laga helay isbedelkan cusub ayaa sheegaya in Xukuumadda lagu soo dari doono xubno ka tirsanaa mucaaradka, halka sidoo kale ay ka soo dhexmuuqan doonaan siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay Xukuumaddii R/wasaare Cumar C/rashiid.

Wasaaradaha la filayo in isbeddelkan saameyn ku yeesho waxaa ka mid ah; caafimaaadka, dhalinyarada & isboortiga, boostada & isgaarsiinta, gaashaandhiga & kuwa kale.

Magacyada ilaa hadda la shaaciyey in xilalka loo magacaabi doono waxaa ka mid ah Maxamed Cabdillaahi Oomaar oo horay u soo qabtay xilka wasaaradda arrimaha dibedda & xildhibaan Goodax Barre.

Isbeddelkan,  ayaa sidoo kale saameyn doono qaar ka mid ah safaaradaha dibedda, waxaanna safiirrada la hadal hayo in la beddeli doono ka mid ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Cali Begedi.

Share Button