Weerar ka dhacay magaalada Las Vegas

Booliiska ayaa wada hawlgal balaaran kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku furtay shacab ku sugnaa goobaha loo dalxiis tago ee magaalada Las Vegas.

Ciidamada amaanka ayaa gebi ahaan xiray wadada dheer ee loo yaqaan Vegas Strip halkaasi oo ay ku yaalaan hotelada iyo xarumaha lagu khamaaro oo ay caan ku tahay magaaladaasi.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in rasaasta laga soo furay dabaqa uu ku yaalka Hotelka Mandalay Bay Hotel & Casino, waxaana la sheegay in rasaasta laga beegsanayey dadweyne ku sugnaa nawaaxiga hoteelkaasi.

Illaa iyo hada waxaa la xaqiijiyey inay dhinteen 2 qof, halka dhaawaca uu gaarayo ugu yaraan 24 qof.

Askar si aad ah u hubeysan ayaa gudaha u galay hotelkaasi, waxayna booliiska sheegeen inay weli wadaan baadi goobka.

Waxaa goor dhaweyd la xaqiijiyey in ciidamada amaanka ay gudaha hotelkaasi ka heleen meydka mid kamid ah ragii hubeysnaa ee weerarka geystay, waxaana weli cadeyn tirada dadka weerarkan ka danbeeyey.

Share Button