Xaafado ka tirsan degmada afgooye oo uu ku fatahay wabiga Shabeelle

3-1

Wararka ka imaanaya  Xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in uu ka bilaawday barakac, kadib markii uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Xaafadaha kala ah Damaley, Baalguri iyo Aaytire oo ka wada tirsan degmada Afgooye ayaa waxaa gudaha u galay biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Fahataada Wabiga Shabeelle ee degmada Afgooye ayaa waxaa uu sameeyey guryo ay deganaayeen dad shacab ah, kuwaas oo biyuhu ay galeen waxaana ka bilaawday barakac ay sameynayaan dadku oo guryaha ay alaabta uga raranayaan.

 

Share Button