Xildhibaan Fiqi “Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan….”

18 Luuliyo, Khamiis [Yoobsannews Online]   Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan BF Soomaaliya ayaa sheegay in xubnaha loo magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug intooda badan ay yihiin kuwa hoostaga xafiiska RW Khayre, isaga oo ku tilmaamay wasiirka arrimaha gudaha inuu yahay shaqsi is hafraya, wasiiradiisuna tahay magac u yaal.

“Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug lagu sheegay marka laga reebo dhowr qofood, intooda badan waxey ka tirsan yihiin xafiiska RW Khayre oo mushaari ka yihiin” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi, isaga oo isweydiiyey Guddi la magacaabay halka ay  ka shaqeynayaan xafiiska RW Khayre iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Share Button