Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa “ waa in wax laga qabtaa amni darada degmada Afgooye..

 

maxresdefault

Xili maalmihii la soo dhaafay ay ka dhacen degmada Afgooye dilal qorshaysan ayaa waxaa arintaas ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in  falalka amaan daro ee kusoo kordhaya degmada Afgooye iyo dilalka bareerka ah ee loo geysanayo dadka shacabka ah wax laga qabto.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in wax laga xumaado ay tahay in Degmada Afgooye dadka shacabka ah si bareer ah loogu dilo, waxa uuna xusay in hada Afgooye noqotay kawaan dadka lagu dilo.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed ka dalbaday in ay wax ka qabtaan amaan darida kusoo kordheysa Afgooye iyo dilalka bareerka ah ee shacabka loogu geysanayo Degmadaasi.

 

Share Button