Xildhibaano ka careysan dhiibistii Qalbi Dhagax oo soo gaaray Muqdisho

In ka badan Labbaatan xildhibaan oo uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa maanta soo gaarey Magalaada Muqdisho, ujeeddada imaatinka Xildhibaanadaasi ayaa lagu sheegay inay ku saabsan tahay sidii ay ugu qeyb qaataan lahaayeen dooda uu Baarlaamaanka ka yeelan doono dhiibistii Cabdi-kariin Sheikh Muuse Qalbi-dhagax.

Xildhibaan Maxamed Cumar Carte iyo Xildhibaanada la socda ayaa ka soo kicitimay Magalaada Nairobi ee Wadanka Kenya, xubno ka mid ah Xildhibaanada soo gaarey Magaalada Muqdisho ayaa laga soo xigtey inay u yimaadeen sidii ay mowqif adag uga istaagi lahayeen qadiyada Qalbi dhagax, iyagoo intaasi raaciyay inay soo dhaweynayaan Moshinka laga diyaariyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taasi oo lagu eedeynayo inay Dawladda Ethiopia u gacan galisay Muwaadin Soomaaliyeed.

Is-xulafaysi aad u xoog badan oo bannaanka u soo baxay ayaa u dhaxeeya Xildhibaanada Baaralamaanka, kala aragti duwanaanshaha ku saabsan dhiibistii Qalbi dhagax ayaa ka dhex aloolasan Xildhibaanadaasi, Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa xillligan la joogo u kala jaban dhinac taageersan Xukuumada Kheyre iyo qeyb si weyn uga soo horjeedo Xukuumadaasi.

Xildhibaan Carte ayaa intii u dhaxeysay 2015-17-kii waxa uu soo noqdey Ra’iisul wasaare ku xigeenkii Soomaaliya, shaqsi ahaan waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa masuul saameyn balaaran ku lahaa Xukuumaddii uu hogaaminayay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharma-arke.

Share Button