Xiriirka kubadda cagta Somalia oo Holland ka xulanaya ciyaartooy mateli doona qaranka Somalia 

IMGL1632Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Somalia Cabdiqani Saciid Carab ayaa shalay magaalada Nijmegen ee dalka Netherlands kula shiray qaar ka mida dhaliyarada Soomaaliyeed ee u ciyaara naadiyada kubadda cagta ee dalka Netherlands, isagoo kala hadlay inay jirto fursad ay dhaliyarada ay ugu ciyaari karaan kooxaha kala duwan ee Somalia, iyagoo matalaya qaranka

Kulankan ayaa waxaa soo abaabulay daladda FSAN ee ay ku mideysan yihiin ururada Soomaalida ee dalka Holland, waxaana ujeedadiisu aheyd sidii la isugu xiri lahaa dhaliyarada Soomaalida ee ka kala ciyaaraha naadiyada heerarka kala duwan ee Netherlands iyo xiriirka kubadda cagta ee Somalia.

Cabdiqani oo hadda booqasho ku jooga Holland waxa uu sheegay in xiriirka uu madaxda ka yahay uu diyaar u yahay inuu xusho dhalinyarada kubadda cagta ee tayada leh ee jooga Holland, si ay mustaqbalka ugu ciyaaraan magaca qarankooda Soomaaliya.

“Xiriirka ayaa qaadaya masuuliyada amaanka ciyaartooyda tayada leh ee ka tirsan naadiyada dalkan iyo qarasha ku baxaya inta ay joogaan Soomaaliya. Sidoo kale waxaan fursadan siinaynaa kuwa aan naadi ka tirsaneyn haddii aan hubino xirfadiisa kubadda.” Ayuu yiri Cabdiqani Saciid Carab.

IMGL1615

 

Waxa uu goobta ku soo bandhigay barnaamij muuqaal ah oo ka hadlaya dadaalkii ay galeen sidii dib loogu tayactiri lahaa qaar ka mida garoomada kubadda cagta ee magaalada Muqdishu laga soo bilaabo sanadkii 2012, markaasoo uu sheegay in xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya uu u howlgalay sidii dib loogu soo celin lahaa sumcada ciyaaraha kubadda cagta ee Somalia.

Sidoo kale waxaa shirkaasi ka hadlay Ali Ware, gudoomiyaha dalada FSAN, isagoo sheegay in daladooda ay wax badan isku howshay sidii loo suurta gelin lahaa qaab ay u wada xiriiraan dhaliyarada iyo xiriirka kubadda cagta ee Somalia.

IMGL1679

Waxa kale oo isna goobta hadal kooban ka jeediyey Mohamed Osman Gure, gudoomiye ku xigeenka dalada FSAN, isagoo amaanay arrinta ah in la helo ciyaartooy xirfad leh oo mustaqbalka matalada qaranka Soomaaliya.

Waxa uu dhinaca kale sheegay in ay jiri doonaan ciyaartooy ka mida kuwa ka ciyaara naadiyada dalka Holland oo ka qeyb geli doona ciyaaraha xagaaga ee lagu qabanayo dalka Sweden, kuwaasoo ku ciyaari doona buu yiri magaca FSAN.

By. Mohamed Abdi

 

 

 

 

 

 

 

Share Button