XOG: Muxuu ku saabsanaa socdaalka wafdiga Somaliland ee Kenya.?

somaliland

 

29, May 2019: [Yoonsannews Online] Wafdi ka socda Jamhuuriyada iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Kenya, ayaa magaalada Nairobi kula kulmay siyaasiyiin ka tirsan  mucaaradka iyo muxaafidka Kenya, sida uu qoray wargeyska Daily Nation.

Hogaamiyaha xisbiyada mucaaradka ODM Raila Odinga, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga ka socday Hargeysa, oo isugu jiray hogaamiyaha xisbiga UCID Injineer Faysal Cali Waraabe iyo xubno ka tirsan Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, waxaana laga wadahadlay arrimo ku saabsan ganacsiga, iyada oo wafdiga Somaliland ay codsadeen in Kenya  xafiis ka furato Hargeysa  si loo yagleelo xiriir diblomaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya iyo  Somaliland, waxaanna siyaasiyiinta dalabkaasi la hordhigay ka mid ahaa  Mr. Odinga.

Cumar Baashe oo ah wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in xiriir qoto dheer uu ka dhexeeyo Kenya & Somaliland, isaga oo xusay in xiriirkaasi hore u saamaxayo 2da dhinac in ay ka wada shaqeeyaan masaaliixdooda.

“Xiriir taariikhi ayaa nagala dhaxeeyey Kenya illaa xiligii gumeystihii, tallaabada ay Kenya qaadday in ay xafiis uga furato Hargeysa waxa ay sare u sii qaadaysaa iskaashi dhanka ganacsi iyo bulsho oo na dhexmara” ayuu yiri  Cumar Baashe.

 

Share Button