Yaa sameeya Marada lagu daboolo Kacbada imisa bilood ayayse qaadataa naqshadeynteeda?

Marada lagu daboolo kacbada barakeysan ee loo yaqaan ‘Al-Kiswah’ ayaa naqshadeynteedu waxay qaadataa waqti fog, waxaana ka shaqeeya rag fara badan oo Sucuudiyaan ah kuwaas oo da’doodu u dhexeyso 40 illaa 50 sanadood.

Xarunta weyn ee lagu sameeyo maradaasi qiimaha leh ayaa waxay ku taallaa magaallada Maka Al Mukarama waxaana ay ka sameysan tahay xariir, dahab iyo qallin, iyadoo sanad walba maalinta Carafa maradaasi laga beddelo kacbada, waxaana maalinta Carafo ay ku beegan tahay khamiista soo socota.

Ragga naqshadeeya marada kacbada ayaa intooda badan noloshooda geliyay shaqadaasi waxaana ay u badan yihiin dad ku dhow howl gab sanadaha soo socda.

Maxamed Cabdullah Bajowdah oo ah maamumaha shirkaddan oo u warramayay Reuters ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in mustaqbalka ay shaqo geliyaan jiil da’yar, waxaana loo dhameystiray qalabkii casriga ahaa ee howshaasi lagu hagaajin lahaa.

Illaa 200 qofood ayaa ka shaqeysa xardhidda marada kacbada taas oo qaadata muddo 9 bilood ah, waxaana taariikhda qurxinta maradani ay soo bilaabatay Islaamka ka hor iyadoo socota illaa iyo maanta.

Waddanka Masar ayaa muddo qarniyaal ah Sucuudiga u soo sameyn jiray marada lagu gedaamo kacbada illaa sanadkii 1962-kii, xilligaas oo sameynta maradan u soo wareegtay Sucuudiga waxaana magaallada Maka laga dhisay warshadda lagu sameeyo dharka kacbada sanadkii 1977-kii.

Dunta xariirta ah ee marada kacbadu ka sameysan tahay taasoo gaaraysa 670kg oo xariir saafi ah ay ka soo qaataan waddanka Talyaaniga, halka Dunta qallinka ah iyo dunta dahabka ahna ay ka keensadaan waddanka Jarmalka.

Aayadaha Qur’aanka ee ku qoran marada kacbada ayaa waxay qaataan 60 maalmood si loo tolo, iyadoo guud ahaanna howshan ay ku baxdo 6.67 Milyan oo Dollar.

21078508_1984856168400456_4404227873910789188_n 21105457_1984856161733790_6557519066234596492_n 21106471_1984856158400457_1869836844252739216_n

Waxaa Diyaariyay: Yaxye Yuusuf

Share Button